War Deg Deg Ah: Jidka Hargeysa Iyo Berbera U Dhaxeeya Oo Xidhan & Mudaharaadyo Rabshado Wata Oo Ka Socda +

 

War Deg Deg Ah: Jidka Hargeysa Iyo Berbera U Dhaxeeya Oo Xidhan & Mudaharaadyo Rabshado Wata Oo Ka Socda + Isbaarooyin Sharci Darro Ah Oo Degmada Ab-daal La Dhigtay + Xukuumadda Siilaanyo Oo Daawanaysa –
Wararka Naga soo gaadhaya Degmada Ab-daal Oo U dhaxaysay magaalooyinka  Hargeysa & Berbera, ayaa sheegaya in salaadii jimcaha ka dib, ay ka bilaabmeen Mudaharaadyo Rabshado wata, isla markaana uu sababay inuu xidhmo  jidka u dhaxeeyey Hargeysa iyo Berbera, waxaanay wararku sheegayaan in illaa hadda ay ku xanibmeen halkaasi gaadiidkii ka tegay magaalada Hargeysa ee u sii jeeda magaalooyinka Berbera iyo gobolada Bariga dalka, iyo waliba gaadiidkii ka soo baxay magaalada Berbera.
Rabshada ka socda jidka u dhaxeeyey Hargeysa iyo Berbera, ayaa ka dhashay dilkii shalay loo geystay,Taliyihii Ciidamada Birmadka Gobolka Saaxil, Marxuum Aadan Tallabo, kaas oo ka soo jeeday degaanada hoos yimaada gobolka Saaxil.
Dhanka kale dadkan mudaharaadka ka dhigaya gudaha magaalada Ab-daal, ayaa la sheegay inay la wareegeen kantaroolkii magaalada, waxaanay ka xoog roonadeen ciidankii joogay goobta, isla markaana ay gaadiidka shicibka ka qaadayaan lacago qadarkooda lagu sheegay inta u dhaxaysa $10 ilaa $ 5,halka ay gadiidka dowlada burburinayaan, waa sida ay noo xaqiyeen dad ku sugan gudaha magaalada Ab-daal.
Goob -joogayaa ku sugan gudaha magaalada Ab-daal ayaa Somalilandlive.com u  xaqiijiye, noocyada hubka ay sitaan dadka mudaharaadka dhigaya, waxaanay noo sheegeen, in aanay sidan wax hub ah, balse ay  ku hubaysan yihiin dhagaxaan,budhadh iyo biro.
Ugu dambeyntii Xukuumadda Siilaanyo ayaan ilaa hadda wax ciidan ah geynin goobta ay rabshaduhu ka curteen waxaana ku xanniban gadiidkii, halka qaarkoodna lacago madax fursho ah laga qaaday,qaarkoodna la jajebiyey.

Cammaara.ca

Sahal114@Hotmail.com

Aden79@gmail,com

.

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *