Golaha Wasiirada oo guddi baaritaan u magacaabay 14 qof oo lagu dilay Awdiinle, Baay

Golaha wasiirada ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya  ayaa guddi baaritaan u magacaabay falkii ay dhowaam ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ay ugu dileen  deegaanka War-diile ee gobolka Baay, 14 qof oo rayid ah.

Golaha wasiirada oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho  ayaa waxaaay  isku raaceen in la magacaabay guddi ka kooban wasaaradaha gaashaandhiga, arrimaha gudaha, iyo amniga si ay iyagoo kaashanaya maamulka koonfur galbeed ay warbixin sugan ugu soo gudbiyaan xukuumada Soomaaliya falkii ka dhacay deegaanka Wardiile ee gobolka Baay.

Kulanka ayaa sidoo kale kulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay qorshaha amniga doorashooyinka iyo ka hortaga dembiyada musuq maasuqa, laaluushka iyo ku tagri falka awoodeed inta lagu guda jiro doorashooyinka.

Wasaaradda Amniga gudaha ayaa golaha wasiirada u soo gudbisay qorshaha amniga ee doorashooyinka dalka ee sanadkan iyadoo goluhu ay ka doodeen qeybo ka mid ah qorshahaas.

Dhinaca kale, wasiirka Macdanta iyo Batroolka ee xukuumada Soomaaliya Maxamed Mukhatar ayaa golaha u soo gudbiyay diyaarinta heshiiska wadaagga Shidaalka ee Soomaliya iyo shirkadaha Shidaalka.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *