Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo sheegay inay IGAD u sheegen gobolka Hiiraan inuusan la midoobeyn gobolka Shabeellaha dhexe

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ka mid ah isimada dhaqanka ee gobolka Hiiraan ayaa markii ugu horreeyay caddeeyay inay ku wargaliyeen wafdi ka socday IGAD oo maalmahan ku sugnaa Baladweyne marna gobolka Hiiraan inuusan ogalaneyn in lugu daro gobolka Shabeellaha dhexe.

Waxuu sheegay inaysan tagi doonin magaalada Jowhar oo ay taallo gogasha lugu dhisayo maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe,kaaso muddo dhowr bilood ah u taagan odayaasha dhaqanka Hiiraan oo qayb ka mid ah ay banaanka ka istaagtay.

“IGAD waxaa si cad ah ugu sheegnay inaan Jowhar ogoleyn, waxaa u sheegnay wax aan qabno, kamana qarin, dadka haduu kulmo waxna waa la isla garan karaa waxna waa la isla darsi karaa, waa mahadsan yihiin IGAD,”ayuu yiri Ugaas Xasan.

Waxuu sheegay Ugaas Xasan danta laga leeyahay in Hiiraan loogu daro Shabeellaha dhexe inay tahay sidii loo tir tiri lahaa taariikhdii soo jireenka ahaa ee uu lahaa gobolka Hiiraan gumeystihii ka hor sida uu yiri.

“Hafdii la damcay in Hiiraan lagu daro Jowhar maxaa soo baxaya, waxaa soo bixi doono Shabelle State, aaway taariikhdii soo jireenka, aaway magacii Hiiraan, dadweynaha reer Hiiraan waxaa u sheegeynaa in ujeedada la rabo waa in la tir tiro magaciina iyo taariikhdiina,”ayuu mar kale yiri Ugaas Xasan.

Sidoo kale,waxaa uu ku eedeeyay wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga in dhalinyaro ka daad-gureysay Beledweyn iyo Buulo Burde, isla markaana la doonayo in ciyaartoy ku ciyaareysa magaca labada gobol la geeyo Muqdisho, si ay u kubadda cagta u ciyaaraan.

Dowladda iyo IGAD oo doonayay inay ku qanciyaan odayaasha gobolka Hiiraan ka qayb-galka shirka Jowhar ayaa hadda u muuqda inay ku guul darreysteen iskudeyga,waxaana muddo ka yar saddex bilood ay ka harsan-tahay xilliga ay dalka doorashada ka dhacayso,iyadoon wali maamul loo dhisin gobollada

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *