Waxgaradka Degmada Marka Oo Sheegay Inaysan Markale Dooneynin Ciidamo Hawiye Ah

Waxgaradka degmada Marka ee xarunta gobolka Sh.hoose ayaa ka dhawaajiyay in shacabka magaalada Marka aanu u baahneyn ciidamo Hawiye ah oo shaati Milateri loo soo geliyey.

Shaley waxaa soo gaaray magaalada Marka ciidamo Hawiye ah oo watay 4 gaari dagaal, ciidamadani oo uu hogaaminayey nin Hawiye ah oo  lagu magacaabo CAGEY waxay sheegeen inay soo dirsatay wasaaradda gaashaandhigga dowladda Federalka.

Nabadoon Cali Cumar oo ka mid ah waxgaradka degmada Marka ayaa sheegay mar u la hadlayey shabakadda Markacadey.com  in haddii ciidamo Hawiye ah sii joogaan magaalada Marka ay hubanti tahay in dagaalada meeshooda ka sii socon doonaan, wuxuuna shacabka magaalada Marka iyo hareeraheeda deggan inay hubkooda qaataan qofkii aan hub haysaninna uu hub soo iibsado sii deg deg ah.

Kadib markii Xarakada Alshabaab laga saaray magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh.hoose waxaa si joogto ah uga soconaayey deegaanada beesha Biimaal ee gobolka Sh.hoose dagaallo u dhexeeyo dadka deegaanka iyo ciidamo Hawiye ah oo ku howlgalaayey magaca ciidamada milateriga Somalia.

Dowladda Federalka ayaa mar walbo ka shaqeyneyso gaar ahaan Xasan Culusow in magaalada Marka ay noqoto magaalo maamulkeeda yahay maamul Maqaar-saar ah oo gadaal ay ka maamulaan mooryaanta Hawiye gaar ahaan Habargidir.

Cammaara.ca

Sahal114@Hotmail.com

Aden79@gmial.com

Xigasho Markacadey.com

.

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *