MOGADISHU: 15 AYAA DHINTAY, 40 KALE AYAA DHAAWACMAY

Ugu yaraan 15 ruux ayaa la xaqiijiyey inay dhinteen kadib markii shalay MASJID kula soo dumay xaafadda Garasbaaley ee duleedka koofureed ee Magaalada Muqdisho. Wararku waxa ay sheegayaan in ku dhawaad 40 ruux oo kale ay ku dhaawacmeen shilkaasi oo ahaa mid naxdin leh sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Gaadiidka gurmadka Booliiska Soomaaliya ayaa la sheegay inay gaareen goobta waxana burburka masjidka hoostiisa laga soo saaray maanta oo salaasa ah dad qaba dhaawacyo kuwaas oo la dhigay qaar ka mid ah goobaha caafimaadka iyo Isbitaalada caasimadda. Saraakiisha dowladda hoose ee Muqduisho ayaa xaqiijiyey dhimashada 15 ruux iyo dhaawaca 40 kale.

Illaa hadda lama oga sababta shilkaan, laakin waxaa jira shaki laga qabo inuu ka dhashay shilkaani sababo la xariira shaqo dib u habeyn ah oo gudaha masjidka ka socotay.

Warar kale ayaa sheegaya in ciidanka Booliiska Soomaaliya ay xireen injineerkii masuulka ka ahaa hawsha dhismaha ka socotay masjidka. Masjidkaan ayaa ka kooban dhawr dabaq.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *