Madaxweynaha Kenya oo booqday guri dumay oo ku yaallay Nairobi

Madaxweynaha dalka  Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa maanta booqday guri dumay oo ku yaallay xaafad lagu magacaabo Huruma oo ku taalla bartamaha magaalada Nairobi.

Dhismaha dumay ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen toddoba qof, kuna dhaawacmeen dad kale.

Dowladda hoose ee Nairobi ayaa sheegtay in guriga dumay oo la dhisay laba sano kahor, kana koobnaa lix dabaq uusan ahayn mid la dagi karo.

Hay’adda Laanqayrta Cas ee Kenyana waxay sheegtay in guriga ay ku guryo beeleen dad gaaraya 150 qof.

Madaxweynaha Kenya ayaa ka tacsiyeeyay khasaaraha ka dhashay dhismaha dumay, wuxuuna amar ku bixiyay in lasoo qabto, lana maxkamadeeyo mulkiilaha guriga dumay.

Uhuru Kenyatta ayaa dadka dariska la ah guriga dumay ka dalbaday in ay guuraan, si looga hor tago khasaare kale.

Roobaab xoog leh oo maalmahanba ka da’ayay magaalada Nairobi iyo nawaaxigeeda ayaa la rumaysan yahay in ay sahleen dumitaanka gurigaas oo markii horaba aan ku habboonayn in la dego.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *