“Somaliland Xiiso Uma Qabto Wada hadallada Soomaaliya Haddii Aan Xal Laga…”

Wasiirka Arrimaha Dibedda & Iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa shaaca ka qaaday inay rajaynayaan natiijo ka soo baxda wada hadallada u dhaxeeya Soomaaliya, haddii kale aanay macno lahayn sii wadistoodu.

Dr. Sacad Cali Shire iyo wefti uu hogaaminayo oo qeyb ka ahaayeen Wasiirka Madaxtooyada Mr. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo safiirka Somaliland u qaabilsan dalka Imaaraadka Carabta Mr. Baashe Cawil Cumar oo booqasho maalmahii u dambeeyey ku joogay caasimada dalka Turkiga ee Ankara ayaa sheegay in ujeedada socdaalkoodu la xidhiidho wada xaajood loogu gogol-xaadhayo dib u bilaabida wada hadalladii u dhexeeyey Soomaaliya oo dhex maray wefti ka socda dalka Soomaaliya.

Waraysi Maxamuud Walaaleye oo wargeyska DAWAN, ka tirsan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibeda Dr. Sacad Cali isagoo ku sugan magaalada Ankara shalay ayuu ku sheegay inay kulamo la yeesheen madax ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibedda Turkiga la xidhiidhay sidii qadiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Dr. Sacad oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey wuxuu ku saabsanaa socdaal wefdi uu hogaaminayo ku tageen dalka Turkiga iyo kulan la sheegay inuu dhexmaray wefti ka socda dalka Soomaaliya wuxuu ku saabsanaa,waxaanu yidhi “Booqashada aan ku tagnay dalka Turkigu waxay la xidhiidhay shir loogu gogol-xaadhayey in dib loo bilaabo wada hadalladii u dhaxeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, waxaan doonaynaa in xal waara laga gaadho qadiyadda madaxbanaanida Somaliland, maadaama aanay macno yeelanayn sii socodshadooda natiijo la’aan.” Ayuu yidhi Dr. Sacad, waxaanu intaas ku kabay “Waxaan kulan yeelanay wefti ka socda Soomaaliya Wasiirka Arrimaha Gudaha Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Odowaa iyo wefti uu hogaaminayey, waxaana layskula qaatay sida labada dhinac uga go’an tahay dib u bilaabida wada xaajoodkii u dhaxeeyey iyo in la dhaqan-geliyo heshiisyadii hore loo wada gaadhay.”

Wasiirka khaarajiga oo la weydiiyey hadday jiraan kulamo dhex maray madaxda dalka Turkiga iyo waxay ku saabsanaayeen ayaa ku jawaabay,

“Waxaan kulamo la qaadanay madax ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibedda Turkiga, Hay’adda Horumarinta (TIKA) iyo Hay’adda Bisha Cas Turkiga oo dhamaantood kala hadalay qadiyadda madaxbanaanida Somaliland iyo taageero ay ka geystaan gargaarka abaaraha iyo mashariicaha horumarineed laga fuliyo dalka.” Ayuu yidhi Dr. Sacad, isagoo raaciyey.“Natiijo fiican ayaa ka soo baxday la xidhiidha in dalka Turkigu si wanaagsan u fahmo qadiyadeena iyo taariikhda Somaliland.”

Kulamada weftiga Wasiirka Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga Dr. Sacad Cali Shire iyo wefdiga uu hogaaminayo oo la filayo inay maalmaha soo socda dalka ku soo laabtaan ayaa si cad u bayaamiyey in xukuumada Somaliland xiiso weyn u qabin sii socoshada wada xaajoodyada u dhexeeya dalka Soomaaliya, hadii natiijo xal waara looga gaadho qadiyadda madaxbanaanida Somaliland laga gaadhi waayo.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *