Madaxweynaha Puntland oo u magacaabay Deeqo Jabriil wakiilka gobollada New England ee dalka Marekanka (Akhriso)

Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u magacaabay Deeqo Jabriil oo ka mid ah haweenka aqoon-yahanka ah ee ka soo jeeda Puntland,wakiilka gobollada New England ee dalka Marekanka,sida lugu sheegay wareegto ka soo baxdey madaxweynaha.

Waa qofkii ugu horreeyay oo wakiil uga noqonaya Puntland lixda gobol ee loo yaqaan New England,kuwaaso kala ah:-Connecticut, Maine, Massachusetts, New Hampshire, Rhode Island iyo Vermont.

Sababaha keenay inuu madaxweyne Cabdiweli u doorto haweeneyda Deeqo Jabriin,waxaa lugu sheegay inay tahay qof xiriir wanagsan la leh dowladda Marekanka iyo mas’uuliyiinta gobollada,taaso muhiimad gaar ah u leh dowladda Puntland.

Dhinaca kale,Deeqo Jabriin ayaa dhankeeda soo dhaweysay xilka loo magacaabay,maaddaama ay markii horaba ka shaqeynaysay isku xirka dowladda Puntland iyo mas’uuliyiinta gobollada,si ay Puntland gacan uga siiyaan adeegyadda horumarka iyo dhinaca ammaanka.

“Waan ku faraxsanahay madaxweynaha inuu ii doorto wakiilka gobollada oo muhiimad weyn leh,annigo si iskey ah ayaan markii horaba uga shaqeynayay isku xirta dowladda iyo mas’uuliyiinta gobollada,xilligaana waxan horay u wadaya dadaalkii iyo isku xirka labada dhinac,”sida waxaa sheegtay Deeqo Jibriib oo ka hadlaysay xilka loo magacaabay.

Deeqo Jabriil waxaa ay sheegtay waxa ugu horreeya ee ay qabaneyso xilligan inay tahay sidii ay tababarro gudaha dalka Marekanka ugu qaadan lahayeen saraakiisha ugu sareysa dowladda Puntland ee dhinaca ammaanka,taaso billow u ah isku xirka mas’uuliyiinta Boston oo ka mid ah gobollada ay wakiilka ka tahay iyo Puntland.

Munaasabad la xiriirta xilka cusub ee loo magacaabay Deeqo Jabriil ayaa lugu qabanaya magaalada Boston,waxaana ka soo qayb-galaya mas’uuliyiinta ugu sarreysa ee Boston iyo saraakisha booliska.

Cammaara.ca
Sahal114@Homail.com
Aden79@gmial.com

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *