Kooxda Horseed Oo Hannatay Koobka Jeneral Daa’uud

 

Waxaa kulan ciyaareed xiiso badan uu shalay ku dhexmaray garoonka Banaadir ee magaaladda Muqdisho, kooxaha Heegan iyo Horseed, waxanna ay ku kulmeen kama dambeysta koobka koobabka Jeneral Daa’uud.

Qeybta hore ee kulanka ayaa waxa ay ku dhamaatay 1-0 oo ay natiijada ku horkaceysay kooxda Booliska Soomaaliyeed ee Heegan, waxanna u dhalliyay xiddiga Deeq Cabdulaahi Nuur (Deeq Aaryo), halka mid ka mid ah ciyaartooyda Horseed uu qaatay calaamadda gadduudan.

Waqtiga nasiinada markii laga yimid ayaa kooxda Horseed, waxa ay sameysay dadaal dheeri ah, waxaana u suurtagashay inay helaan labo gool oo deg deg ah, waxanna ay sidaasi ku noqotay ciyaarta 2-1 oo hoggaanka ku heysay naadiga Horseed.

Kulankan waxaa ay Heegan, si weyn u tabtay kabtankeedda sidoo kale ahaa weeraryahankeedda Jabriil Xasan Fariid, laacibka ayaa ku maqnaa ganaax, waxaanna xilligii loogu tala galay ay ku dhamaatay 2-1 oo ay koobka ku hannatay naadiga Horseed.

Wasiirka wasaarrada dhalinyarrada iyo cayaaraha ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Xasan (Nuux), ayaa koobka guddoonsiiyay kooxda guulleysatay ee Horseed.

Cammaara.ca

Sahal114@Hotmail.com

Aden79@gmial.com

.

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *