Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo tagaya Garoowe

Ergeyga xog-hayaha guud ee Qaramada Midooba u qaabilsan arrimaha Soomaaliya,Michael Keating ayaa booqanaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland,halka waxaa ka socda wada-hadallo u dhaxeeya dowladda faderaalka iyo Puntland.

Wada-xaajoodka ka socda Garoowe,waxaa lugu raadinaya sidii ay Puntland ku aqbali lahayd hanaanka ay beesha caalamka iyo dowladda dhexe ku doonayaan in ay u dhacdo doorashada Soomaaliya ee dhammadka sanadkan lugu ballan-sanyahay.

Waxaa la sheegaya waxa ugu weyne ee Garoowe uu u tagay,Michael Keating inay tahay sidii uu u xoojin lahaa dadaallada uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku doonayo sidii ay Puntland ku oggaalan lahayd hanaanka 4.5 ee doorashada ay u dhacayso.

Warbaahinta gudaha ayaa sidoo kale baahisay inuu jiro qodobbo ay isku afgarteen guddiyada Puntland iyo faderaalka u matalaya wada-hadallada,taaso ka dhigan inuu jiro ugu yaraan heshiis laga gaaray wada-hadalka socda.

Wakiilka Qaramada Midoobay wararka ka soo baxaya safarkiisa uu ku tagayo Garoowe,waxaa ka mid ah inuu doonayo sidii uu goob-joog uga noqon lahaa heshiiska ay gaarayaan dowladda faderaalka iyo Puntland.

Waxaa aad loo hadal haya Puntland inay oggalaatay hanaanka doorashada Soomaaliya ee 4.5,walow aysan jirin wali warka cid xaqiijisay.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

 

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *