Sarkaal Ciidanka Al-Shabaab ah oo lagu dilay weerar dhinaca Cirka

Waaxda gaashaandhiga ee dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in weerar dhinaca Cirka ay ku dishay Xasan Cali Dhoore oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee kooxda Al-Shabaab.

War saxafaadeed ka soo baxay waaxda gaashaadhiga ee dowlada Maraykanka oo uu ku saxiixnaa Peter Cook oo ah sarkaal qaabilsan saxaafada ayaa sheegay in weerarka ay ciidamada Maraykanka ku dileen Xasan Cali Dhoore ayagoo kaashanaya ciidamada dowlada Soomaaliya.

Weerarka oo dhacay 31-kii bishii hore ee Maarso ayaa Peter Cook wuxuu xaqiijiyay  dilka Xasan Cali Dhoore.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Xassan Cali Dhoore uu ka mid ahaa Saraakiisha xiriirka tooska  la leh ururka Al-Qaacida, isagoo Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca amniyaatka oo fuliya weerarada iyo dilalka qorsheysan.

Waxaa lagu sheegay war saxaafadeedka  in Xasan Cali Dhoore uu ku lug lahaa weeraro waaweyn oo ka dhacay magaalada  Muqdisho iyo qorshaha dilka seddex muwaadin oo u dhashay dalka Maraykanka.

Peter Cook  ayaa sheegay in dilka Xassan Cali Dhoore uu dhabar jab ku noqon doono  awoodda kooxda  Al-Shabaab ee qorsheynta weeraro ka dhan ah dowladda Soomaaliya, Shacabka Soomaaliyeed,  xulafada Mareykanka ee gobolka iyo dadka Maraykanka ah ee dibadaha ku suggan.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

 

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *