XOG: Gaas oo aqbalaya 4.5 & Sharuudiihii uu soo bandhigay oo la ogolaaday

Ilo xog ogaal ah oo ku sugan Garowe ayaa sheegaya in magaalada Garowe lagu kala saxiixi doono hishiis dhexmara dowlada Soomaaliya iyo maamulka Puntland, kadib markii ay isku soo dhawaadeen labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in wafdi ka socdo beesha caalamka ay tagayaan magaalada Garowe iyaga oo goobjoog ka noqonaya hishiiska ay kala saxiixanayaan dowlada Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in C/welli Gaas uu aqbalay qaadashada nidaamka 4.5 oo lagu soo dhisayo aqa
lka hoose ee baarlamaanka isaga oo ku badalaya in Puntland ay heli doonto dalabyo badan oo ay hordhigtay Cumar C/rashiid.

Qodobada Puntland ay hordhigtay Cumar C/rashiid waxaa kaliya laga diiday in saldhiga baarlamaanka ee caasimada la wareejiyo, waxaase wararka aan heleyno sheegayaan in loo ogolaaday in Puntland ay hesho deeqa beesha caalamka ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa Puntland loo ogoladay in Puntland hishiisyo toos ah la gali karto hayadaha caalamiga, iyada oo aan loo marin dowlada.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *