Madaxda AMISOM oo haweenka ugu baaqday inay ka qeyb qaataan nabada iyo arrimaha siyaasada

 

Kulan looga hadlayay arrimaha Jinsiga iyo doorka haweenka ay ka qaadan karaan nabada iyo Sinaanta Jinsiga ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirka oo ay soo qaban qaabisay xifiiska Jinsiga ee AMISOM ayaa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah gabdhaha wax ku barta jaamacadaha  Muqdisho, xildhibaano, xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo urarada haweenka.

Ku xigeenka Wakiilka Midowga Afrika  u qaabilsan Soomaaliya  Lydia Wanyoto Mutende oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in haweenka ay door muhiim ah ku leeyihiin arrimaha nabada, dib u dhiska dalka iyo doorashooyinka la filayo inay Soomaaliya ka dhacaan, loogana baahan yahay inay ka dhex muuqdaan bulshada oo ay wax la qeybsadaan.

Waxay  sheegtay  AMISOM in ay ku taagereyso haweenka sidii ay kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen arrimaha bulshada iyo Siyaasada.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Haweenka iyo Xaquuql Insaanka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Muunimo Sheekh Cumar oo kulanka ka hadashay ayaa haweenka ugu baaqday inay  aqoontooda kor u qaadaan,  kana qeyb qaataan arrimaha Siyaasada ayagoo muujinaya inay qeyb ka yihiin qeybaha bulshada ee laga doonayo dib u dhiska iyo horumarka dalka.

Mumino ayaa mahadcelin u jeedisay AMISOM oo mar walba dhiirigelin iyo taageero u fidisa haweenka Soomaaliyeed.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *