34 lagu dilay qaraxyo ka dhacay Dalka Brussels

Qaraxyada waxay ka dhaceen garoon diyaaradeed oo caalami ah, iyo goob laga raaco tareenka oo ku dhow xarunta Midowga yurub ee magaalada Brussels.

In ka badan 30 qof ayaa ku dhaawacantay qaraxyada, oo la sheegay in mid ka mid ah uu fuliyay qof is-miidaamiyay.

Qof goob-jooge ah ayaa sheegay in qofka fuliyay weerarka is-qarxinta ah uu ku dhawaaqayay ereyo carabi ah.

Ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada maanta ka dhacay magaalada Brussels.

Toddobaadkan ayaa la soo qabaty Saleh Abdulsalam, oo ah tuhmane lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay qaraxyadii ka dhacay magaalada Paris ee dalka Faransiiska sanadkii hore, qaraxyadaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 130 qof.

Faransiiska ayaa shaaciyay shalay ay xirteen xuddiidda ay la wadaagaan dalka Beljium.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *